1. Home
  2. East Africa
  3. Somalia
  • News

WAFDIGA DAWLADA KMG AH OO SHEEGAY INAYSAN SHIRKA KA TAGAYN

[Gabon] One of 300 taxis that have been drafted into the fight against HIV/AIDS in the Gabonese capital Libreville. Free condoms and information leaflets will be available inside the cabs from December 2004 to the end of February 2005. IRIN
Taxi drivers are now involved in HIV/AIDS education
Nairobi, 31st March 2003 (IRIN) Afhayeen u hadlay maanta (Isniin) Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in xubnaha Dawlada KMG ah ka jooga Madasha shirka Nairobi aanay qorshaha ugu jirin inay ka tagaan shirka. Madaxa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dawlada KMG ah Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shirkii dhawaan Hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, uusan ahayn shir lagu badalyo midka ka socda Kenya, waxaana uu ku tilmaamay inuu ahaa shir wada tashi oo ku saabsan sidii degenaansho loogu soo dabaali lahaa Caasimada Muqdisho. Dawlada KMG ah iyo qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha Kooxaha ayaa sabtidii ka sheegay magaalada Muqdisho inay ku heshiiyeen in la qaado talaabooyin wax looga qabanayo nabadgelyada Muqdisho, furitaanka dekada iyo gegida diyaaradaha iyo maamul loo sameeyo gobolka Banaadir, arintan ayaa waxa ay ka danbeysay shir albaabada u xiran ay Muqdisho ku yeesheenMadaxweynaha KMG ah Abdiqasim Salad Hassan, iyo hogaamiyeyaasha kooxaha Mohamed Qanyare Afrah, Osman Ali Ato, iyo xubno ka tirsan Isbahaysiga dooxada Jubba iyo Jabhada RRA. Maxamed Qanyare Afrax ayaa sheegay in sidoo kale kulankooda ay isku raaceen in la qabto shir kale oo dib u heshiisiin Soomaaliyeed ah, isagoo ku tilmaamay shirka ay IGAD ka wado Nairobi mid aan waxba keeneyn. Qaar ka mid ah Kooxaha shirka Nairobi ka qeybgalaya ayaa waxa ay si wada jir ah u qabteen Shir jaraa’id, kaasi oo ay ku dhaleeceeyeen shirka Magaalada Muqdisho, Kooxahaasi ayaa waxaa ku jira golaha SRRC, Kooxda ka go’day Dawlada KMG ah oo iyagu shirka Nairobi taageeraya iyo Bulshada rayidka ah. Xuseen Maxamed Ceydiid oo la gudoomiye ka ah Golaha SRRC ayaa sheegay in baaqa Muqdisho uu ka soo yeeray qaar ka mid ah hogaamiyeyaashii waxa ka galay heshiiska Soomaalida ee Kenya, isagoo sheegay inay hadan doonayaan inay carqaladeeyaan Hanaanka Nabada Soomaaliya, oo uu yiri ma aysan burburin ee waxa ay u dhaw yihiin heerkii ugu muhiimsanaa ee Soomaalidu awooda ku qeybsan lahayd. Xuseen Ceydiid waxa uu ugu yeeray Hogaamiyeyaasha Muqdisho ee ka maqan shirka inay yimaadaan oo kaalin firfircoon ka qaataan hanaanka nabada ee ka socda Nairobi, kaasi oo uu sheegay inuu rajeynayo in bisha June ay ka soo baxaan Dawlad Soomaali u wada dhan tahay. Madaxa kooxda ka go’day wafdiga Dawlada KMG ah C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa IRIN isna u sheegay in shirka Muqdisho uu yahay mid lagu fashilinayo wada hadalka nabada Soomaalida, mar la weydiiyey in ay ka shaqeynayaan Nabada magaalada Muqdisho waxa uu yiri maxay horey ugu qaban waayeen, isagoo intaa sii raaciyey in dhibaatada Muqdisho ay tahay mid u baahan xalinteeda Soomaali oo dhan. (DHAMAAD)

This article was produced by IRIN News while it was part of the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Please send queries on copyright or liability to the UN. For more information: https://shop.un.org/rights-permissions

Share this article

Get the day’s top headlines in your inbox every morning

Starting at just $5 a month, you can become a member of The New Humanitarian and receive our premium newsletter, DAWNS Digest.

DAWNS Digest has been the trusted essential morning read for global aid and foreign policy professionals for more than 10 years.

Government, media, global governance organisations, NGOs, academics, and more subscribe to DAWNS to receive the day’s top global headlines of news and analysis in their inboxes every weekday morning.

It’s the perfect way to start your day.

Become a member of The New Humanitarian today and you’ll automatically be subscribed to DAWNS Digest – free of charge.

Become a member of The New Humanitarian

Support our journalism and become more involved in our community. Help us deliver informative, accessible, independent journalism that you can trust and provides accountability to the millions of people affected by crises worldwide.

Join